Kuuriyada Waqooyi:-‘Gantaalka Japan waa hordhaca howlgalka Pacific-ga’

Kuuriyada Woqooyi ayaa sheegtay in gantaalka ay dulmarisay Japan uu “tallaabo hordhac ah u yahay howlgal militari” oo ka billaabayo badda Pacific-ga, waxayna cadeysay in madaafiic dheeraad ah ay ridi doonto.
 
Warbaahinta dowladda Kuuriyada Woqooyi ayaa ku celisay hanjabaadda ku wajahan saldhigga Mareykanka ee ku yaalla jasiiradda Guam.
 
Gantaalka ay tijaabisay Talaadadii wuxuu dul maray Jasiiradda Hokkaido ee Woqooyiga Japan, wuxuuna sababay digniin ah in shacabka ay gabaad raadsadaan, ka hor inta uusan ku dhicin badda.
 
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir ah u cambaareeyay ficilka Kuuriyada Woqooyi.
 
Golaha Ammaanka oo shalay ku kulmay New York, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “wax laga caroodo”, waxayna dalbadeen in maamulka Pyongyang uu si degdeg ah u joojiyo tijaabada madaafiicda.
 
Grey line.
 
Barnaamijka Nukliyerka Kuuriyada Woqooyi:
Pyongyang waxay barnaamijkeeda nukliyerka ka shaqeyneysay tobannaan sano.
 
Waxay casriyeyneysaa hubkii midowgii Soviet
Waxay tijaabisay madaafiicda ridada dheer iyo kuwa ridada gaaban
 
Mararka qaar gudaha dalka ayey ku sameeyaan mararka qaarna xiisad gobolka ah ayaa ka dhalata.
 
Dhawaanahan waxay kordhisay heerka tijaabada
Khubarada waxay sheegayaan in Kuuriyada Woqooyi ay hormar ka gaartay sameynta madaafiic riddo dheer oo qaadi kara madaxyada nukliyerka
 
Bishii Luulyo, Pyongyang waxay tijaabisay madfac isaga kala gudbi kara qaaradaha
 
Wuxuu gantaalkaas gaari karaa Mareykanka, sida khubarada ay aaminsan yihiin.
 
Lama caddeyn karo awoodda Kuuriyada Woqooyi ay u leedahay in si degdeg ah ay u hesho gantaal rasmi ah oo leh madax nukliyeer
 
Grey line
 
Warka ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in ficilka Kuuriyada Woqooyi uu halis ku yahay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey.
 
Balse warbixinta laguma xusin in cunna qabateyn dheeraad ah la saarayo xukuumadda Pyongyang.
 
Ruushka iyo Shiinaha ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa militariga Mareykanka ee gobolka ay tahay in lagu eedeeyo xiisadda taagan, waxayna dalbadeen wadahadal.