Wakiilka Xoghayaha Guud oo booqday xarunta Baarlamaanka ee Aqalka Sare Fadaraalka

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, waxayna ka wada hadleen arimaha Dastuurka iyo shaqada aqalka sare.
 
Kulanka labada masuul waxaa goob ka joog ahaa Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo Warbixin ka siiyay Danjiraha sida ay socdaan hawlaha dastuurka.
 
Kulanka ka dib Danjire Micheal Keating, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxay kormeer ku tageen Xafiisyada kala duwan ee aqalka sare, waxaana si gaara uu Danjiraha ugu kuur galay sida ay u socdaan hawlaha Dastuurka.
 
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay in booqasho uu ku yimaado xarunta aqalka sare, isagoona ku baaqay in la xoojiyo si loo dhameystirayo hawlaha harsan ee Dastuurka.
 
Wararka hoose ee laga helayo booqashada Keating ee Aaqlka-sare ayaa sheegaya in ay ku salaysan tahay qoondadii Haweenka ee ka maqan Gudiga Dastuurka iyo Gudiga oo ay ubateen hogaamiyo Kooxeedyo danbiyo dagaal galay.