Adis-Ababa:-Tv-ga Itoobiya oo xaqiijiyay in Qalbidhagax lagu soo wareejiyay Dawlada Itoobiya

Tv-ga Dawlada Itoobiya ayaa si rasmiya uxaqiijiyay in dawlada Fadaraalka Somaliya ay kusoo wareejisay oo usoo gacangalisay dawlada Fadaraalka Itoobiya sarkaal sare oo ka tirsan Ururka xoraynta Ogaden ee ONLF.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Qalbidhagax waxuuna ahaa Aabaanduulihii Ciidamada Xoraynta Ogaden,isagoo 20-kii sano ee ugu danbeeyay  ahaa Ninkii ay ugu raadinta badnayd Itoobiya.

Qabidhagax ayaa hada la sheegay in lagu hayo xarunta Sirdoonka Itoobiya ee Nazeret.

Waxaa iyaguna sidoo kale qiray Ururka ONLF oo war qoraal ah oo ay soo saareen ku xaqiijiyay in sarkaal ka tirsan Ururkooda Dawlada Fadaraalka Somaliya ay ugacan galisay dhigeeda Dawlada Fadaaralka ee Itoobiya,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka