Bosaso:-Daawo Sawirada Mashruucii balaarinta Dekeda Bosaso oo bilawday

Waxaa Magaalada Bosaso Dhowaan Soo Gaaray kooxdii Ugu horaysay Ee hordhac u ahayd Bilaabida mashruuca balaarinta Dekeda Bosaso,
 
Kooxda Shaqaalaha ah ee dhawaan soo gaaray Bosaso ayaa ah kooxda dhisaysa deegaanka iyo Xaafiisyada ay dagi doonaan shaqaalaha fulinaya Mashruuca Ee ka Socda Shirkada DP World.
 
Ilaa iyo hada kooxdan waxay dhamaystireen qaybo ka mid ah Deegaankii iyo Xaafiisyadii lagu hawlgali lahaa.
 
Waxaa la sugayaa oo dhawaan la filayaa in ay soo gaaraan Bosaso Qalabkii iyo shaqaalihii sida rasmiga ah u bilaabi lahaa fulinta mashruuca balaarinta Dekeda Bosaso.
 
Mashruucan Balaarinta Dekeda Bosaso ayaa ah midka ugu balaaran Geeska Africa,waxaana ku baxay Aduun dhan Afar Boqol oo Milyan oo Dolar.
 
Shirkada maalgashanaysa Mashruucan ee DP World ayaa ah shirkad weyn oo horay umaalgashatay Dekado hore sida Tan jabuti iyo Tan Berbera.
 
Mashruucan ayaa qiimo weyn ugu fadhiya shacabka Somaliyed,gaar ahaan kuwa Puntland,
 
Madxweyne Gaas iyo maamulkiisa ayaa ku guulaystay hirgalinta mashruucan waxuuna kamid noqon doonaa kuwa uu Taariikhda ku gali doono.
 
Madaxweyne Gaas ayaa sanad ka hor xariga ka jaray dhismaha Garoonka Diyaaradaha Bosaso,sidoo kale waxaa bilo kadib la filayaa in uu xariga ka jaro dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garowe iyo wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garowe oo dib dayactir xoog leh lagu sameeyay.