Jowhar:-Shir Gaari oo dhaliyay khasaare xoog leh oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya 25 qof in ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaan duleedka ka ah magaalaad Jowhar.
 
Shilkan gaari ayaa yimid markii ay isku dheceen labo gaari oo xamuul ah oo mid uu waday Dad shacab ah halka kan kalena ay saarnaayeen Xoolo gaaraya 100 neef oo ari ah, waxaana khasaare xoog leh soo gaaray gaarigii Dadku ay saarnaayeen,khasaarahaas oo gaaraya dhaawaca ilaa 25-Qof.
 
Goobjoogayaal ay SONNA lahadashey ayaa sheegay in Deegaanka uu shilkaasi ka dhacay lagu magacaabo Crash Program oo qayaas ahaantii 10 KM dhanka Koonfureed kaga aadan magaalada Jowhar, waxaan dhaawacyadaasi oo isugu jira 21 rag ah oo darawalkii gaariga uu kujiro iyo 4 haweeen ah loo qaaday isbitaalada Magaalada Muqdisho, kadib markii xaaladooda wax looga qaban waayay Isbitaalada magaalada Jowhar.