Muqdisho:-Dawlada Fadaraalka Somaliya oo si dadban uqiratay dhiibista Qalbidhagax

Iyadoo ay soo baxayaan warar iska daba imaanaya oo xaqiijinaya dhiibista loo dhiibay Itoobiya sarkaalkii muhiimka ahaa ee ka tirsanaa Ururka Xoraynta Ogaden ee ONLF,ayaa hadana dhanka kale waxaan ilaa iyo hada warcad aan kasoo saarin arinkaas Dawlada Fadaraalka ah.

Kulan saxaafadu su’aalo ku waydiinaysay Rw Khayre iyo qayb kamid ah Wasiiradiisa oo loogu magacday Dadkaaga maqal,ayaa arinkaas wax looga waydiiyay RW Khayre ,balse waa ka gaabsaday waxaana arinkaas si jilicsan oo is khaafin ah jawaab aan haboonayn ka bixiyay Talyaha Nabadsugida Dawlada Fadaraalka Sanbalooshe,

RW khayre iyo Wasiiradiisa Saxaafada hor fadhiyay ayaa ku dhici waayay in ay arinkaas si toos ah jawaab uga bixiyaan,waxaana muuqatay in ay si dadban uqiranayaan in ay jirto dhiibista Qalbidhagax loo dhiibay Itoobiya,balse ay ku dhici la’yihiin qirashadeeda,hoos ka daawo muuqaalka shir Saxaafadeedkaas.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka