Muqdisho:-Xildhibaan Sakariye oo noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee ka hadla Dhiibista Qalbidhagax

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa si kulul uga hadlay tallaabadii dowladda Itoobiya loogu gacan geliyay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Jabhadda ONLF.
 
Qoraal uu Bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku tilmaamay inuu ahaa fal aad u xun oo qiyaano qaran ah, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay madaxdeeda u bareertay.
 
“Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa falka xun oo khiyaanada Qaran ah oo dawladda Soomaaliya madaxdeedu u bareertay kaddib markay caddaatay inay Mawaaddin Soomaali ah u gacan gelisay cadow shisheeye ah oo caawa hilbahiisa ay cunayaan waraabayaal gumayste kan ugu fool xun ah”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.
 
Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in falkaas uu beri ka yahay, isla markaana ay aheyd fal basaasnimo ah sida uu hadalka u dhigay
 
“Waxaan naftayda iyo inta waddaniyiinta ahba ka beri yeelayaa falkaas dabaqoodhinimada iyo basaasnimada ah”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.
 
Waxaa uu sheegay in aanay falkan la isaga hari doonin, inta shacabka iyo wadaniyiinta Soomaaliyeed nafta ku jirto, waxaana uu tilmaamay in lala xisaabtami doono ragga khiyaanada Qaran sameeyay.
 
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka ayaa hadalo kulul ka soo saaray, kaddib markii uu soo shaac baxay in dowladda Itoobiya loo gacan geliyay C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), kaasoo dhowaan laga soo qabtay Gaalkacyo, loona soo gudbiyay Magaalada Muqdisho.
 
Ururka ONLF ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay dowladda Itoobiya u gacan gelisay C/kariin Shiikh Muuse Qalba-Dhagax, iyagoo ku eedeeyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho inay arrintan ka dambeeyeen.