Galgala:-Qaraxyo khasaare dhaliyay oo ka dhacay Af-urur

Fahfaahino iyo warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar culus, oo Maanta oo Jimco ah ka dhacay gudaha deegaanka Af Urur, ee gobolka Bari.
 
Dad lagu qiyaasay afartameeyo qof oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarkan oo ahaa mid ka dhacay bal-balo ku taala tuulada oo inta badan ay askartu ay ka iibsadaan qaadka.
 
Qarax labaad ayaa la sheegay in sidoo kale la maqlay ka dib markii ciidamada Puntland ay u soo gurmadeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii hore ,taasi oo keentay in khasaaraha uu ka sii bato intii hore.
 
Dhaawacyada ayaa loola cararay Isbitaalo ku yaalla magaalada Boosaaso, waxaana dadka qaar la sheegay in dhaawacoodu uu yahay mid culus.
 
Ciidamada Difaaca Puntland ayaa ku jira dagaal joogta ah oo ay kula jiraan argagixisada ku dhuumaalaysata Buuraha Golis.