Garowe:-Dhalinyaradii lasii daayay ee Galaafatay Ereg oo dib loosoo xiray kadib amar ka yimid Camey

Taliska Saldhiga dhexe ee magaalada Garowe ayaa maanta mar kale xabsiga dhigay dhalinyaro dhawaan Jeelka laga sii dayay kadib markii la waayay cadaymo muujinaya kiiska lagu haysto, taasoo markii dambe dhalisay in shaqada laga joojiyo Taliyihii ciidamada Booliiska Puntland.

 
Dadka la sii dayay oo markii hore tiradoodu 12 qof oo qaybtood ahaayeen Arday wax ka barta Iskuullo ku yaalla Garowe, ayaa lagusoo bandhigay Taliska qaybta Garowe kadib markii dood laga keenay sii dayntooda, waxaana iminka lagu hayaa xabsiga.
 
Taliyaha Saldhiga dhexe ee magaalada Garowe, Dhamme Maxamuud Muuse Bile Fardafuul oo saxaafada kula hadlayay xafiiskiisa Garowe ayaa ka warbixiyey maxaabiistan oo uu sheegay inuu u keenay taliyaha la dagaallanka Argagixisada iyo Mukhaadaraadka Muxiyadiin Axmed Muuse 21 bishan kadib markii lagu eedeeyay inay gaysteen dhac.
 
Wuxuu qiray in 24-kii isla bishan dadkaas lagusii daayay amar ka yimid taliyaha qaybta gobolka Nugal. Taliyaha ayaa intaas ku daray in Saraakiil katirsan Garsoorka soo booqdeen xabsiga arrinta dadkana wax ka weydiiyeen balse ay u sheegeen inay u xiranyihiin Muxiyadiin.
 
Fardafuul ayaa carrabka ku dhuftay in Taliye Muxiyadiin uu keeni waayay cadaymaha kiiska dadkaas ay galeen.
 
Taliyaha Saldhiga dhexe ee Garowe oo ay hareer fadhiyeen Waalidiin iyo Taliyaha Qaybta Booliiska gobolka Nugal, ayaa carrabka ku dhuftay in la isu qabsaday sii daynta maxaabiistaas, balse ay maanta ku guulaysteen inay saldhiga kusoo celiyaan, isagoo dalbaday in la keeno cadaymaha dambiga dadkaan si cadaalad ay u helaan.
 
Fardafuul, ayaa dhinaca kale eedeeyay shaqada Taliye Muxiyadiin oo ku dhaliilay inuu haysto howl uusan shaqo ku lahayn, midii laga rabayna ay dayacntahay isagoo tilmaamay in magaalada Garowe buux dhaafiyay Khamri, taasina u baahantahay in wax laga qabto,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka