Garowe:-Maxaa looga xaajooday shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Puntland

Madaxweyne Ku-xgeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka golaha xukuumadda Dawladda Puntland, waxaana looga hadlay arrimaha kala ah, xoojinta Amniga dalka, xaaladda sicir  bararka iyo xal u helidda lacagta shillin Soomaaliga.

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ayaa ugu horey ku booriyey dhammaan shacabka iyo masuuliyiinta dawladda Puntland in la illaaliyo oo laga wadda shaqeeyo xoojinta amniga, oo saldhig u ah xasiloonida iyo  nabad gelyada dalka, isla markaana waxuu Madaxweyne Camey xusay in feejignaan gaara la sameeyo madaama lagu jiro u diyaar garawga ciidul Adxaha oo ay badi magaalooyinka waaweyn ee Puntland mashquul yihiin.

Shirka golaha xukuumadda dawladda Puntland ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha sicir bararka iyo xal u helidda lagacta shillin Soomaaliga, waxaana warbixino kusaabsan arrimahaasi laga dhegaystay Bangiga Dhexe ee Puntland, Wasaaradda Maaliyadda iyo guddiyo ku hawlanaa arrimahani ugub.

Dhinaca kale, Shirka golaha xukuumadda dawladda Puntland oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Ku-xgeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, ayaa dood dheer iyo gorfayn kadib xaqiijiyey in sida ugu macquulsan dawladdu usoo saari doonto qorsheyaal lagu xalindoono, lagagana hortegi doono dhibaatadaasi.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.