Kenya:-Muxuu ka yiri Madaxweyne Uhuru go’aanka Maxkamada sare

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu fikir ahaan ka soo horjeedo go’aanka maxkamada sare ee dalka ay ku baabi’isay guushii uu ka gaaray doorashadii Augusto, laakiin waxaa uu sheegay in uu ixtiraamayo una hogaasami doono.

“Maxkamadda go’aan ay gaartay fikir ahaan ma taageersani , laakin waan xushmeynayaa ‘’ ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo jawaab celinayay go’aankii lagu laalay guushiisii doorashada,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka