USA:-Qunsuliyadii Ruushka Ee San Francisco oo albaabada loo laabay

Ruushka ayaa lagu amray inuu xiro qunsuliyadda uu ku leeyahay San Francisco iyo laba xafiis oo kale, taasoo jawaab u ah “falka aan loo baahnayn ee Ruushka” sida uu Maraykanku sheegay.

Xafiiska arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay xiritaanka, ka dib markii Moosko ay khasabtay in la yareeyo diplomaasiyiinta Ruushka bishii Luulyo.

Go’aankan waxaa loo sameeyey si “is le’ekaansho” loo helo ayuu xafiisku ku daray.

Xiritaanka qunsuliyadda iyo xafiisyo ku yaalla New York iyo Washington ayey tahay in la soo dhamaystiro wixii loo gaaro Sabtida.

Inkastoo xafiiska arrimaha dibadda uu sheegay talaabada Maraykanku inay jawaab u tahay wax lagu tilmaamay “fal aan loo baahnayn oo waxyeello leh” oo lagu yareeyey tirada diblomaasiyiinta Maraykanka ee Ruushka, ayaa haddana dhanka kale lagu sheegay in lagu doonayo in lagu soo afjaro xurguftan.

“Inkastoo ay sii socon doonto is le’ekaan laanta tirada diblomaasiyiinta iyo xafiisyada qunsuliyadaha, ayaan doorannay inaan u ogolaanno xukuumadda Ruushka inay u sii furnaadaan, dadaal looga gol leeyahay in wax looga qabto xiriirka hoos u sii socda” ayaa lagu yiri hadal qoraal ah oo xafiiska arrimaha dibadda ee Maraykanka uu soo saaray Khamiistii.