Abuukar Arman: “Dalabkan ma aha mid uu Wasiir Yuusuf Garaad Iskiis Isaga Sameeyey ee waa Mid Reer Talo Xume ama Hoggaankeena ay ka Wada Simanyihiin”

Mawduuca: Wasiir Yuusuf Garaad oo Dalab Ciidamo Degdeg ah u Diray Safiirka Maraykanka, Stephen Schwartz (daabacaadii 2aad)
 
Sida aan hiirtii hore la qaybsanay akhristayaasha iyo dhegaystayaasha Radio Daljir, Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu matalayo Wasiir Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa biloowgii bishii la soo dhaafay ee Agoosto u qoray Safiir Stephen Schwartz, safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, warqad codsi caawino gacan milatari iyo mid sirdoon oo degdeg ah.
 
Hadaba waxaa isa soo taraya falceliska nindoorka bulshada Soomaaliyeed ee warqadda Yuusuf Garaad. Wasiir Yuusuf Garaad ayaa warqadda ku muujiyey in Soomaaliya ay soo foodsaartay welwel iyo wacaal weyn oo argagixiso, kaas oo kaga yimid isbiirsi ay isbiirsanayaan labada urur argagixiso ee Alshabaab iyo Daacish (I.S.I.S).
 
Wasiir Yuusuf waxa uu yiri “Alshabaab iyo Daacish waxay hadda la wareegeen dhul ballaaran oo ku yaal bartamaha Soomaaliya.” Wasiirka oo qoraalkiisa sii wata waxa uu Safiir Stephen Schwartz u qoray “xaalka dalku sidii hore hadda waa ka duwanyahay, mana aha mid ku koobnaan doona xudduudaha dalkayagan soo kabanaya. Xaalka maanta Soomaaliya waa mid hal erey oo kaliya lagu soo koobi karo: Yuraaniyam.”
 
Hadaba waxaan mar kale la xiriirnay qaar kamid ah haldoorka Soomaaliyeed, anaga oo wax ka weydiinay waxa uu xambaarsanyahay nuxurka warqadda Wasiir Yuusuf Garaad.
 
Abuukar Armaan, qoraa sare, ahna diblomaasi hore iyo bulsho-u-adeege falaanqeeya siyaasadda adduunka iyo diinta ayaa yiri, “warqaddu waxa ay ka tarjumeysaa fiiro-gaabnaanta iyo garaad-xumida xukuumadda Farmaajo iyo Kheyre haysata. Dalabkan ma aha mid uu Wasiir Yuusuf Garaad iskiis isaga sameeyey ee waa mid Reer Talo Xume ama hoggaankeena ay ka wada simanyihiin. Waa been toban-jirsatay oo aan waxba ka jirin. Toban sano kahor ayaan isla beentaan ka qoray maqaal cinwaankiisu ahaa ‘The Making of Another Iraq’ warqadda Yuusufna isla taas uun bay maanta mar kale ka tarjumaysaa. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre waa in ay shacabka u naxariistaan. Baarlamaanku asna waa in uu la xisaabtamaa xukuumadda.”
 
Warqadda Wasiirka oo markii hore la mooday been-abuur, waxaa markii danbe xaqiijiyey safiir Axmed Ciise Cawad, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Marayanka, sida aan ka soo xiganay qoraal warbaahinta VOA, qaybta afka Ingiriiska.
 
Wasiir Yuusuf Garaad waxa uu warqadda ku caddeeyey in xoogagga Alshabaab ay maamulka Galmudug kala wareegeen dhul ballaaran oo qani ku ah macdanta Yuraaniyamka (Uranium deposits), ahna dhul macdantu ay dhulka dushiisa iska dhoodhoobantahay oo gacmaha la isaga guran karo. Wasiir Yuusuf oo qoraalka sii wada waxa uu yiri muhiimadda hawlgalada iyo dhulballaarsiga Alshabaab iyo ISIS waxaa weeye in “macdanta Yuraaniyamka la geeyo dalka Iran.”
 
Lama hubo sida Wasiirku u xaqiijiyey goorta iyo meesha ay Alshabaab iyo Daacish ku heshiiyeen, waana waxyaalaha markii horeba abuuray shakiga in warqaddu tahay been-abuur.
 
Khabiir kale oo ku dheereeya arrimaha dibloomaasiyadda oo aan qoraalka Wasiirka u soo bandhignay, laakiin ka gaabsaday in uu magaciisa sheego, xiriir ka dhexeeya asaga iyo wasaaradda darti, waxa uu ka muujiyey fajac iyo amakaag, waxa uuna yiri, “mar haddii safiir Axmed Ciise uu xaqiijiyey in warqaddu ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna tahay mid xaqiiqo ah, mushkiladda hadda taagan waa 2 arrimood. Waa mar e maxaa Wasiir Yuusuf Garaad ku kallifay in uu galo hawl aan shaqadiisa ahayn iyo hawlo milateri iyo kuwo maamul-goboleed? Waa mar kale e, maxaa uu Yuusuf ula xiriiri waayey dhiggiisa Maraykanka, Rex Tillerson, oo ku kallifay in uu safiir warqad u qoro?”
 
Khabiirka Radio Daljir u soo badhigtay warqadda Yuusuf Garaad ayaa hadaladiisa ku soo gunaanaday, “waa in la hubiyaa in Madaxweyne Farmaajo warqadda wax ka ogyahay!”
 
Bogga labaad ee warqadda Yuusuf Garaad, Wasiirku waxa uu canaan dusha uga tuuray AMISOM, asaga oo leh “AMISOM waxba naguma caawin karto, awoodna uma leh in ay Alshabaab iyo I.S.I.S ka cirib tiraan Soomaaliya. Ciidamada iyo awoodda Maraykanka oo kaashanaya sirdoonka Maraykanka waa sida kaliya oo argagixisada looga adkaan karo, Soomaaliyana wax loo tari karo.”
 
Waxaa xusid mudan in deegaanka kaliya ee Soomaaliya ee Alshabaab iyo ISIS (Daacish) ay si joogto ah uga hawlgalaan, kana fuliyaan weeraro joogto ah, uu yahay Puntland. Hawlgalkii ugu danbeeyey ee Alshabaab wuxuu ahaa kii shalay oo Ciid ahayd ee deegaanka Afurur. Saas oo ay tahay, warqadda Wasiir Yuusuf Garaad meelna loogama xusin dagaalada joogtada ah ee argagixisada Alshabaab iyo Daacish ka wadaan deegaanka Puntland ama kii xasuuqii darnaa ee Afurur.
 
Sidoo kale waxa ay argagixisada Alshabaab si joogto ah uga soo duulaan deegaanka Galmudug oo hadda Wasiirku uu warqaddiisa ku qoray in Alshaab la wareegeen qaybo kamid ah, ayna ugu danbaysay weerarkii degmada Ballibusle oo 2 haween ah lagu dhaawacay iyo kii Jeexdin ee isla Bariga Gaalkacyo. Dhammaan weeraradaas waa isku wada xigeen, waxayna kala ahaayeen 30 Agoosto, 31 Agoosto iyo 1 Siteenbar.
 
Weerarkii Ballibusle ee 31 Agoosto oo aan goobjooge ka waraysanay waxa uu Daljir uu sheegay in maleeshiyaadku ay Galmudug ka yimaadeen, kana kala yimaadeen 2 jaho oo kala duwan, laakiin ay ahaayeen Alshabaab.
 
Illaa iyo hadda dowladda Federaalka ee Soomaaliya kama aysan hadlin saddexdii weerar ee ugu danbeeyey ee al-Shabaab ama Daacish ay la beegsadeen Puntland. Wasiir Yuusuf Garaad asna sidoo kale kama uu hadlin weerada Puntland lagu hayo, mana uu xiriirin qabsashada deegaanada Galmudug iyo weerarada joogtada noqday ee Puntland kaga yimaada Galmudug.
 
Yuusuf Garaad ayaa ahaan jiray Tafaftirihii hore ee BBC Laanta Afka Soomaaliga, asaga oo Laanta ku soo biiray 1992, sannadkii labaad ee biloowgii dagaalka sokeeye. Yusuf Garaad oo illaa iyo markii uu ku soo biiray BBC-da illaa iyo dagaalkii sokeeye ay haysteen dacwado joogto ah, ayna sannadkii 2005 ka ashtakoodeen dhammaan wixii tafaftire soo maray BBC Laanta Afka Soomaaliga, waxaana jagada laga casilay sannadkii 2012. Dacwadaha Yuusuf Garaad laga gudbiyey dartood, casilid kabacdi, waxaa BBC Laanta Afka Soomaaliga taariikhda markii ugu horraysay tafaftire looga dhigay gabar ajnabi ah oo u dhalatay Kenya, haysayna jagadaas illaa iyo biloowgii bishii hadda dhammaatay ee Agoosto.
 
 
 
Xigasho:-Radio Daljir