Farmaajo iyo Qalbidhagax”WQ.Jibriil Qoobey.

Maalmahan waxaa baraha bulshada iyo guud ahaan Somaliya is qabsaday dhiibista Qalbidhagax.

Hadaba Qalbidhagax muxuu ahaa :-

Qalbidhagax waa mid ka mid ah Saraakiisha muhiimka ah ee Ururka ONLF.

Waa duurgal ku dhibadan dagaalka,in badana la sheegay in la dilay,balse mar walba ay beenoobi jirtay.

Waa sarkaal muhiim u ah ONLF xog badana ka haya maleeshiyadooda,goobaha ay ka hawlgalaan,saadka halka uu usoo maro iyo guud ahaan xogta rasmiga ah ee Ururkaas.

Waa sarkaal ay dawlada itoobiya si weyn ugu raadjoogtay gacan ku dhigistiisuna ay u tahay guul muhiim ah.

Kasoo qabashadiisa Gudaha Somaliyana waxay fariin cad u tahay cid walba oo isku dayda in ay Itoobiya colaadiso.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiibista Qalbidhagax:-

Qalbidhagax waxaa ugu danbayntii awood u yeeshay in ay si rasmiya u ogaadaan halka uu ku sugnaa iyo qabashadiisa Ciidamada Nabadsugida Dawlada Fadaraalka ah,gaar ahaan qaybtooda Cadaado ka hawlgasha.

Qalbidhagax qabashadiisa kadib waxaa loosoo gudbiyay muqdisho xarunta Dawlada Fadaraalka,waxaana markii danbe si rasmiya loogu wareejiyay Safaarada itoobiya ee Muqdisho,taasoo uduulisay Baydhabo ugana sii gudbisay Godey ugu danbayna ka dajisay xarunta Sirdoonka itoobiya ee Nazered.

Madaxweyne Farmaajo waa ka warqabay hawlgalka lagu qabtay Qalbidhagax,sidoo kale RW Khayre waa ogaa hawlgalka in la wareejiyana waxaa ogolaaday Madaxweyne Farmaajo.

Maxay tahay sababta Farmaajo u aqbalay wareejinta Sarkaalkan:-

Farmaajo oo shacab badan ay ku taageereen wadaniyad iskuna muujin jiray in uu yahay nin Daacad ah oo Somalinimadu ku weyn tahay kana fog Itoobiya ,ayaa ugu danbayntii aqbalay waaqiciga Geeska Africa ee xiligan.

Madaxweyne Farmaajo waxaa soo hor istaagtay waaqiciga ah in aysan rumoobayn waxii la oran jiray Somaliweyn dib loo helo.darbiga ayuu madaxa kusoo dhuftay xaqiiqduna waa hor timid markii uu Kursiga ku fariistay xog ogaalna noqday,

Madaxweyne Farmaajo waxaa hor yimid awooda iyo miisaanka Itoobiya ay ku leedahay Geeska Africa iyo arimaha Somaliya khasabna waxaa ku noqday in uu wada shaqayn dhaw la yeesho Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Rw Khayre iyo la taliyayashoodu falaqayn dheer kadib waxay go’aansadeen in ay xiriir wanaagsan iyo wada shaqayn dhaw ay la yeeshaan Itoobiya.

Laba wafti oo sare oo lays waydaarsaday kadib waxaa lakala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo wada shaqayneed.

Heshiisyadaas hoose ee labada dhinac ay wada gaareen waxaa ugu muhiimsanaa oo laga xusi karaa ,in dawlada Fadaraalka Somaliya ay ixtiraamto xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay iyo in Somliya ay noqoto dal ilaalsada Xuduudihiisa oo aysan ku dhex noolaan karin ama colaad kasoo abaabuli karin shaqsiyaad dawlado kale khatar ku ah.

Farmaajo iyo Rw Khayre oo ka duulaya dhawr arimood oo ay u arkayeen muhiim ayaa dhamaan qodobadaas iyo kuwo kalaba saxiixay.

Arimaha ay ka duulayeen Farmaajo iyo Khayre ayaa kala ah:-

A.In shirweynaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobey ee looga xaajoonayo arimaha Somaliya iyo S.Sudan laguna qabanayo Adis-ababa dhawaan itoobiyana ay doorka muhiimka ah ku leedahay ay ku yeeshaan mudnaan oo aan lagu garab ciyaarsiin Dawlad Goboleedyada,sidoo kal itoobiya in ay la riixdo lana olalayso in Somaliya loo dhiso loona qalabeeyo Ciidamo gaaraya labaatan kun,isla markaana laga qaado Cunaqabataynta hubka.

B.In Dawlad Goboleedyada iyo Itoobiya xiriirkoodu uusan ka xoog badnaan kan ka dhaxeeya dawlada Fadaraalka Somaliya iyo Dawlada Fadaraalka Itoobiya.

Qalbidhagax iyo xaalkiisa:-

Qalbidhagax hada waxuu ku sugan yahay Xarunta Sirdoonka Itoobiya ee Nazered,isagoo ku jira qol ay u yaalaan sariir,Tv iyo Musqul u gaar ah,waxuu helaa cunto Feresh ah,Hawo Feresh ah iyo daryeel Caafimaad.

Qalbidhagax isma soo dhiibin ee waa lasoo qabtay,waa la sii dayn doonaa,lama xiri doono lamana dili doono, ugu badnaan labo bilood kadib marka uu si dhamaystiran ubixiyo xogta Ururka ONLF ee uu xog ogaalka u yahay.

Qalbidhagax iyo Shacabka Somaliyed:-

Shacabka Somaliyed wali waaqci mahan waxayna intooda badan ayba joogaan 1960-kii,waxay ku haminayaan 5-tii Somaliya oo soo laabata dibna u midawda,xog ogaal uma ahan siyaasada Geeska,sidoo kale xog ogaal uma ahan Dawlada Fadaraalka nolol maalmeedkeeda siyaasadeed.

Waa shacab dhibka haysta ay ukeentay xog yaraantooda iyo xaqiiq ka fogaanshahooda,waxay si xog ogaal la’aan ah ku taageereen Farmaajo oo laftigiisu ahaa intuusan kursiga fuulin Siyaasi aan shacabka xog badan dheerayn,balse maanta yaqiinsaday waaqiciga siyaasada Geeska Africa.

Madaxweyne Farmaajo waxuu yaqiinsaday in uu dhiig faraha lagalayo khaa’inimada iyo kala goosiga siyaasada qaybta ka ahna uu doorkiisa ku yeelan doono.

Kuwa ku qaylinaya hada ee ka faa’idaysanaya fursadan kala fogaysay Farmaajo iyo shacabkii qiiraysnaa ee aan xog ogaalka ahayn,mahan wadaniyiin isaga ka fiican ama ka wadanisan ee taa badalkeeda waa ka xog ogaalsan yihiin ka khaa’insan yihiin kana danaysi badan yihiin,ujeedkooda kaliya ee ay ka duulayaan waa ka faa’idaysi jaanis siyaasadeed oo Farmaajo lagu dili karo.

Soo qabashada Qalbidhagax waxa ku beegay Xiliga Farmaajo waa Laamaha amaanka Dawlada Fadaraalka oo awood u yeeshay in ay xog badan ka ogaadaan gudaha dalka,isla markaana talaabo qaadaan.

Isku soo wada duuboo Itoobiya waa quwad Geeska Africa khasabna ay tahay in lala yeesho wada shaqayn dhaw.

Somaliduna waa in ay indhaha furaan oo la jaanqaadaan xaalka maanta ee Geeska Africa.

Jibril Qoobey.

 
%d bloggers like this: