Heshiis yaab leh oo Dhexmaray Hezbollah iyo Daacish

Hoggaamiyaha kooxda Hezbollah ayaa sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Syria Bashar Assad, si uu ugala xaajoodo heshiis boqolaal ka tirsan maleeshiyada Daacish looga daadgureeyey xuduudda Syria iyo Lebanon horraantii toddobaadkan.

Khudbad uu khamiistii jeediyey ayuu Hassan Nasrallah ku sheegay inuu Assad weydiistay inuu aqbalo heshiiska oo lagu beddeshay inay xubnaha Daacish bixiyaan akhbaar ku saabsan sagaal askari oo Lebanese ah oo la qabsaday sanaddii 2014.

“Si shaqsi ah ayaan ugu tagay Assad, oo aan weydiistay inuu gacan ka gaysto sidii dagaalyahanada Daacish looga saari lahaa xuduudda” ayuu yiri Nasrallah.

In ka badan 600 oo dagaalyahano Daacish ah iyo qoysaskooda ah ayaa Isniintii laga daadgureeyey xuduudda Lebanon iyo Syria.

Dagalayahanadan ayaa waxay basas geeyeen magaalada Homs, oo ay uga sii gudbayaan gobolka Deir al-Zour ee bariga Syria, halkaasi oo Daacish ay weli maamusho.