Video:-Wada xaajood hordhac ah oo dhexmaray Puntland iyo maamulka Cadaado

Kulankan oo ahaa mid hor udhac u ah shirka Beri dhexmari doona Puntland iyo maamulka Cadaado ayaa ahaa mid albaabada u xiran yihiin islamarkaana saxaafadu dibad joog ka ahayd.
 
Kulankan ayaa looga xaajooday sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga gobolka mudug ee ukala qaybsan labada dhinac.
 
Kulanka oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne xigeenka Puntland Camey iyo ku xigeenka Xaaf,Wasiiro,Xildhibaano iyo Maamulada labada dhinac ee Mudug.
 
Markii kulanku soo idlaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay Madaxweyne Camey iyo ku xigeenka Xaaf,waxayna si wada jir ah u sheegeen in kulankan lagu soo qaaday oo aad loogu dheeraaday sidii guud ahaan Mudug looga hirgalin lahaa Nabadgalyo Waarta.
 
Hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee labada dhinac.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka