Video:-Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland oo talaalaysa 3-milyan oo Neef

Kooxahani dhakhaatiirta ah ee ay dirtay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dawlada Puntland,ayaa dawayn iyo tallaalid u samayn doonta malaayin xoolo ah oo ku dhaqan deegaanada Puntland, kuwaasoo laga dawayn doono cuduro kala duwan oo uu xanuunka jadeecadu ugu horeeyo.
 
Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Puntland Dr C/rixman Maxamed Xaji {Xunbul} ayaa tilmaamay in talaalkan uu faa’ido badan u leeyahay xoolaha madaama ay jiraan xanuun xoolaha ku dhaca, kuawasoo looga dabiibayo tallaal iyo daawayn wada socda.
 
Dr. Abshir Siciid Yusuf oo ka socday Hay’ada FOA oo iyada barnaamijkaan si gaar ah uga taageerta Puntland wuxuu sheegay in sanooyinkii ugu dambeeyay ay talaaleen malaayiin Xoola ah, iyagoo bartilmaamedkoodu yahay Cudurada faafa.
 
Dr Abshir ayaa xusay in kooxahan Wasaaraddu dirayso in ay talaali doonaan sedex Milyan oo neef, ayna ka talaali doonaan laba cudur oo ah kuwa faafa waxaana xanuunada laga talaalayo xoolaha uu sheegay in ay yihiin jadeecada iyo xanuunada kale ee faafa.
 
Wasiirka Xananada Xoolaha Puntland C/laahi Shiikh Axmed waxa u dardaaran u jeediyay dhakhaatirta Xananada xoolaha kuna booriyay in loo naxariisto reer guuraaga xilliga ay ku guda jiraan dawaynta xoolaha,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka