Odinga oo ku hanjabay inuu qaadici doono doorashada ku celiska ah

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa ku hanjabay inuusan ka qeyb geli doonin doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah ee bisha oktoobar dhici doonto.
 
Wuxuu sheegay inuu u baahan yahay dammaanad qaad dhinaca dastuurka ah mana uusan ka bixinin sharraxaad arrintaasi.
 
Isbuucii la soo dhaafay ayaa maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya waxay waxba kama jiraan ka soo qaaday codbixintii dhacday bishii Agosto o ay sheegtay in guddiga doorashooyinka ee IEBC aysan u qabanin doorashadaasi si waafaqsan dastuurka.
 
Maxkamadda ayaa amartay in doorashadaasi la qabto ka hor 1-da bisha Nofeember.
 
Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa aad u bogaadiyay mucaaradka iyo beesha caalamka qaarkeed, waxaana dhacay mudaaharaadyo waawayn oo lagu taageerayo,
Balse madaxweyne Uhuru iyo xisbiga Jubilee ayaa go’aanka ku tilmaamay mid siyaasadaysan, haseyeeshee ay aqbaleen go’aanka.
 
Doorashadaasi dhacday Agost ayaa waxaa 54% codadkii la dhiibtay ku guuleystay madaxweynaha hadda xilka haya Uhuru Kenyatta halka Odinga uu helay 44%.
 
Odinga waxa uu maanta shir jaraa’id ka sheegay inuu doonayo in doorashadan lagu qabto jawi oggolaanyo in sixitaan lagu sameeyo wixii ka khaldamay doorashadii hore.
“Waan ognahay wixii uu sameeyay guddiga IEBC doorashadii u dambeysay. Waan ognahay inaysan waxba isbadeli doonin haddii aan ku laabano doorasho kale. Waana taasi sababta aan uga qeybgeli doonin doorashada 17 Oktoobar,” ayuu yiri Odinga.
 
War qoraal ah oo kasoo baxay IEBC ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.