Shirkadaha caymiska ee Minnesota oo qandaarskii ka goostay shirkadaha Soomaalida ee gobolka

Shirkaddo ay leeyihiin Soomaali oo ka howlgalla gobalka Minnesota ayaa hadda laga jartey qandaraasyo ay ka heysteen shirkadaha Blue Cross Blue Shild iyo U care oo arrimaha caafimaadka ka shaqeeya.

Shirkadaha Soomaalida ee qandaraasyada laga jarey waxaa ka mid ah kuwa ku shaqada leh dhinacyada caafimaadka, turjumidda, iyo gaadiidka dadka lagu geeyo goobaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Maamullayaasha shirkadaha Soomaalida ayaa tallaabada qandaraaska looga jartay walaac ka muujiyay waxaanna ay sheegeen ilaa hadda inaysan ogeyn sababaha shirkadaha ay uga jareen qandaraaskii ay ka heysteen.

Arrintan si wax looga qabto mas’uuliyiinta Soomaalida ee shirkadaha ayaa la kulmay xildhibaanada aqalka hoose ee gobalka Minnesota qaarkood, kuwaasoo ay hor kaceysay Ilhaan Cumar,iyagoo marka u gudbiyay cabashadooda.

Cabdiwahaab Maxamed, oo ka mid ahaa milkiilayaashii shirkadaha qandaraaska laga joojiyay oo VOA-da la hadlay waxa ugu weyn ee qandaraasyada ay ku waayeen wuxuu ku sheegay ‘cunsuriyad’ in lala xiriirin karo,wuxuuna marka sheegay inay hadda ku jiraan dadaal ay dib ugu soo ceshan karaan ganacsigooda.

Sanadihii ugu dambeeyay waa markii ugu horreeysay oo shirkaddo Soomaali ah laga jarayo qandaraasyadii ay ku shaqeynayeen gobolka Minnesota.