Puntland oo ka digtoon sharciga Batroolka Ee ay shalay ansixiyeen Wasiirada Fadaraalka

Wasiirka Batroolka Fadaraalka ayaa Golaha u soo gudbiyey Dib u eegis lagu sameeyey Sharcigii Batroolka ee 2008dii. Dood dheer ka dib golaha wasiirradfadaraalka ayaa maamilkii shalay ahaa fadhi ay iskugu yimaadeen ku ansixiyey sharcigaas.
 
Sharcigan ayaa abuuraya Hay’ada Batroolka Soomaaliyeed iyo Shirkada Batroolka Qaranka Soomaaliyeed oo la howlgeli doonta shirkada caalamiga ah ee Shidaalka ee Soomaaliya ka howlgala.
 
Sharcigan ayaa ah mid xasaasiya oo u baahan taxadar xoog leh iyo in fiiro gaar ah oo loo yeesho,waana mid keeni kara khilaaf cusub ee dhexmara Dawlada Fadaraalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.
 
Si gaar ah Puntland sharcigan waxuu u leeyahay muhiimad gooniya oo mudan in laga digtoonaado.
 
Masuuliyiinta Puntland ayaa noo xaqiijiyay mar aan wax ka waydiinay sharcigan in tiro ka dhawr jeer ay isku dayeen RW Khayre iyo xulufadiisu in ay ku qanciyaan Puntland ansixinta sharcigan,taasoo Puntland ay ka biyo diiday dood dheerna ka gashay ugu danabyntiina la isla fahmi waayay oo lagu kala tagay.
 
Sharcigan ayaa waxaa dabada ka riixaya RW khayre oo ah dulaal weyn oo dhanka Shirkadaha Shidaalka ku takhasusay ah,isagoo si gaar ah u danaynaya hirgalka sharcigan.
 
Shirkada SomGas oo uu Rw Khayre qayb ka yahay ka hor intuusan qaban xilka Rw Fadaraalka kamid ahaa madaxdeeda ayaa dad badani aaminsan yihiin in ay dabada ka riixayso ansixinta sharciga Shidaalka Fadaraalka Somaliya.
 
Jibril Qoobey.