Video:-Daawo Guuleed oo iska fogeeyay heshiiskii Jigjiga canbaareeyayna dhiibista Qalbidhagax

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka jawaabay go’aanka Gollaha Wasiirada ee lagu sheegay in heshiis la saxiixay 2-dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal.
 
” Go’aanka Golaha Wasiirrada manta ka soo baxay Waa mid aad u cajiib badan khalad wayn oo ay galeen sidii loo daawayn lahaa in laga hadlo ayey ahayd” Ayuu yiri.
 
Go’aanka dawladda Fadaralka waxaa kaloo lagu sheegay in Heshiiskan ay wada saxiixeen Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) iyo Cabdikarin Xuseen Guuleed.hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka