Video:-Shirkii adkaynta amniga Mudug oo la filayo in lasoo gabagabeeyo goor dhaw

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo shir amniga looga hadlayey oo u dhaxeeyey Puntland iyo maaamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado.
 
Shirkan oo ku saabsanaa arrimaha amniga ee Gobolka Mudug oo Gaalkacyo ka socday labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa diiradda lagu saaray sidii bulshada gobolka ay uga wada qeyb qaadan lahaayeen sugidda amniga iyo ka hortagidda waxkasta oo abuuri kara colaad.
 
Shirka ayaa lagu wadaa in maanta laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan dhaqan galka waxyaabihii la isku raacay, iyadoo shirkan uu dabo sacdo heshiiski 22-kii June labada dhinac ay kala saxiixdeen oo ka koobnaa todobo qodob,
 
 
La soco wararkayaga danbe.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka