Wasaarada Maaliyada Puntland oo war kasoo saartay lacagta Sh.Somaliga iyo sarifka lacagaha Qalaad.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dawlada puntland.

Ka dib markii shir isugu yimaadeen maanta oo ay taariikhdu tahay 07/10/2017 Wasaaradda Maaliyadda iyo bangiga dawlada puntland, shirkaan waxaa lagu falaanqeyay diidmada lacagta Sh.som, kala gurideeda iyo sarifkeeda kala duwan, waxaana soo baxay warsaxafeedkan hoos ku qoran:-

 

 

 

1: lacagta shiling somaliga ah waa astaan qaran, dalkastana astaantiisa qaran waa lacagtiisa, puntland kama duwana, cidii ka hortimaadana waa qaran dumis.

2: Dawlada puntland lacagta Sh.som waxay ku qaada canshuurta, waxayna ku bixisaa mushaharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawlada, Meel ay ku diidayna ma jirto.

3: Shacabka reer puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta Sh.som qaataan, iyaga oo aan kala gurin, sarif kala duwanaana looma samayn karo, arintaas oo aan diin ahaan banaaneyn ( Ribo ).

4: Hay’adaha dawlada ee fulinta shaqadaan qaybaha ku leh, waxaa lag doonayaa in ay waajibaadkooda shaqo ka gutaan.

 

Warsaxafdeedka waxaa ku saxiixaan:-

1: Wasiirka Maliyada puntland .Abdulahi Carshe
2: Gudoomiyaha Bangiyada puntland.Abdi ismail Boos