Boqor-ka Sacuudiga oo taajka Boqornimo ku wareejinaya Wiilkiisa

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Boqorka Sacudi Carabiya Boqor Salman laga yaabo in uu ku wareejiyo taajka boqortooyada dalkiisa wiilka uu dhalay ee Maxamed Bin salman oo haatan ah amiirka dhaxal sugaha.

Kooxda lagu magacaabo Eurasia ayaa shalay shaacisay warkan iyadoo sheegtay in ku wareejinta xilka Boqortooyada ay dhici karto toddobaadyada soo socda si loogaga hortago in suurtogalnimada in kacdoon uu ka dhex dilaaco gudaha qoyska reer Boqor ee Sacudi Carabiya

“Waxaan filayaa in Boqor Salman uu ku wareejin doono boqornimada wiilkiisa toddobaadyada soo socda haddii aysanba dhaqso ku iman si aysan mucaaradka ka dhex jira reer Boqor uga hor istaagin in uu noqdo boqorka Sacudi Carabiya.”ayuu yiri Ayham Kamel oo madax ka ah kooxda Eurasia Group.

Amiir Maxamed isaga oo hadda aanan Boqor aheyn ayuu dalka Sacuudiga maamulaa, waxaa lagu eedeeyaa in uu lahaa go’aankii go’doominta Qatar, waxaa uu mas’uul ka yahay siyaasadda dalkiisa gaar ahaan sida loo wajahay dalka Yemen.

Dhaqaale ahaan, waxaa uu wadaa National Transformation Plan, “Vision 2030” iyo habab kale oo dhaqaalaha dalkaasi kor loogu qaadayo, waxaana lagu tuhmaa in uu yahay in ka furfuran madaxda kale.

Aragtida cusub ee Dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan uu la yimid waxaa ka mid ah sidii looga maarmi lahaa Shidaalka 2020-ka, in la suuqgeeyo hantida ma guurtada ah ee dowladda iyo in 1.2 Milyan oo qof shaqo la abuuro si loo yareeyo Baagamuuddanimada dalka Sacuudiga 11.6% illaa 9%.