Maraykanka oo dukhayn ku dilay xubin Alshabaab ah

War saxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamda Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Jimcaha maanta ayaa lagu sheegey in iyadoo iskaashi lala yeelanayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ciidamada Mareykanka qaadeen weerar xagga cirka ah oo qorsheysanaa, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab Khamiistii abbaaro 2:45 Duhurnimo xilliga Soomaaliya. Waxana weerarkaasi ku dhintay hal argagixiye, sida lagu sheegey war saxafaadeedka.

Howl-galka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Baraawe oo 270 KM u jirta caasimadda Muqdisho. Mareykanka ayaa holwgalkani fuliyay iyadoo la raacayo awaamiirtii madaxweynaha Mareykanka uu bishii March sanadkan soo saaratay, kuwaas oo u ogolaanaya ciidamada inay ku beegsan karaan al-Shabaab iyadoo taageero laga helayao ciidamada Soomaaliyeed deegaannada ay ku xooggan yihiin kooxdaasi.

War-saxaafadeedka oo aan lagu sheegin magaca xubinta ay ciidamada Mareykanka beegsadeen, ayaa waxa sidoo kale lagu xaqiijiyay in ciidamada Maraykanka ay sii wadi doonaan inay adeegsadaan wax kaste oo macquul ah si loo difaaco Ameerikaanka islamarkaasina looga taqalluso halista kooxda.