Video:-Koobka Kubada Cagta ee Degmooyinka G.Banaadir oo si qurux badan caawa usoo gabagaboobay

Kooxda kubadda-cagta ee degmadda Waaberi ayaa caawa si xaraga leh ugu guuleysatay tartanka kubadda-cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir ee sanadka 2017, kaddib makii 3-0 ay kaga adkaadeen kooxda kubadda-cagta ee degmadda Hodan.
 
Degmada Hodan ayaa qeybtii hore heshay rigoore, inkastoo ay khasaariyeen, hase ahaatee calan-wadaha ayaa ku tilmaamay in goolhayaha degmada Waaberi uu qalad sameeyay, banaanka u soo baxay, waxaana mar kale loogu celiyay Rigoorada inay tuurtaan degmada Hodan, waana ay iska khasaariyeen markii labaad ee loogu celiyay.
 
Waaberi ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ku hoggaamineysay 2-gool iyo waxba, waxaana laga saaray hal ciyaaryahan, oo la siiyay kaarka cas.
 
Qeybtii labaad ayaa Waaberi ay la timid goolkii saddexaad, waxaana uu ahaa gool niyad jabiyay ciyaartoyda iyo taageerayaasha Hodan.
 
Ciyaartoyda degmada Hodan oo xaalka ku xumaaday, waxaana dhowr jeer ay isku dayeen inay goolasha lagu leeyahay iska soo gudeen, balse 15-daqiiqo markii ay ciyaarta ka harsaneyd ayaa waxaa ay heleen hal gool.
 
Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaaday 3-1 oo ay guusha ku racaday, koobkiina ay ku qaadeen kooxda degmada Waaberi, oo markii 3aad Final u soo baxday, iyadoo labadii Final ee u dambeeyay koobka laga qaaday,hoos ka daawo muuqaalka ciyaarta.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka