Video:-Xasuuqii muslimiinta Rohinga oo wali socda iyo Erdogan oo noqday hogaamiyaha kaliya ee ka dhiidhiyay

Waxaa aad u kordhay dadka muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dalka Myamar, waxayna gaareen illaa 270,000 qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
 
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kororka badan ay ugu wacantahay in la ogaaday dad cusub oo meelo kala ka qaxaya.
 
Rabshadaha ka jira Myamar ee dadka lagu qixiyay ayaa waxa ay biloowmeen kadib markii kooxo wax iska caabbin ah oo ka tirsan qoowmiyadan Rohingya ay weerareen saldhigyo booliis.
Dadka Myamar kasoo qaxaya ayaa sheegay in ciidamada militariga ay gubayaan guryaha, islamarkaasina ay dhibaataynayaan dadka.
 
Dowladda Myamar ayaa beenisey eedeymaha la xiriira in ay ku xad gudbayso dadka Rohingya, waxayna sheegtay in ciidamada ay la dagaalamayaan kooxo falaago ah.
 
Dadka soo qaxaya ayaa waxa ay galayeen dalka Bangaladesh , iyaga oo gudbayay xudduuda labada dal.
Xerooyinkii horay u jiray ee qaxootiga ayaa buuxsamay, dadka cusub ee halkaasi gaarayana waxa ay dagayaan meelo cusub.
 
Dadka qaarkood ayaa masaafo dheer lugeynaya, qaarkood ayaa doomo ku baxsanaya, waxaana ka mid ah illaa 300 qof oo doon ku gaaray Bangaladesh maalintii arbacada.
 
Dhibaatada lagu hayo dadka Rohingya ayaa walwal ka abuurtay meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah, waxaana hoggaamiyaha dalkaasi haweeynayda lagu magacaabo Aug San Suu Kyi loogu baaqay in ay wax ka qabato.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka