Sawiro:-Alshabaab oo soo bandhigay hub iyo saanad Milatari oo ay ka qabsadeen ciidamada Jubaland

Xarakada Al Shabaab ayaa Faafisay sawirrada hub iyo Gaadiid ay sheegeen in ya dhawaan Ciidamada Jubballand uga qabsadeen Dagaalkii Buula Gaduud.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa 3-dii bishan weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Buulo Gaduud oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaas ay ku dishay labaatameeyo askar ka tirsan ciidanka, kaddib markii dagaalyahanadeeda ay gudaha u galeen xerada ciidan ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Sawirrada lasoo Bandhigay waxaa kamid ah laba gaari oo Nooca Dagaalka ah iyo saanad Milatari oo kala duwan.