Sawiro:-Golaha Danwadaag oo soo gabagabeeyay dhismaha Dugsiga sare Ali Daawad ee Degmada Iskushuban

Degmada Iskushuban ee Gobolka Bari waxaan kusoo gabagabaynay dhamaystirka Dugsiga sare ee Ali Daawad.
Dhamaystirka iskuulkan ayaa waxaa maalgaliyay Golaha Danwadaag iyo Dan ka hadal ee ay ku bahoobeen haldoorka Beesha Cismaan Maxamuud ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadiisa.

Iskuulkan ayaa ah mid muhiimad gooniya u leh Dadka Deegaanka madaama uu ku yaalo Deegaan ay ku nool yihiin Bulsho fara badan oo u baahi uqabtay Dugsi-sare.
Dhismaha iskuulkan ayaa waxaa horay u bilaabay Qurba joog Deegaanka kasoo jeeda,iyadoo ay hadana ay dhamaystireen Golaha Danwadaag,

Iskuulkan ayay maanta u dhamaystiran yihiin dhamaan qaybihii looga baahnaa Dugsiga sare.

Anigoo ah Idil Keenadiid waxaan u mahadcelinayaa dhamaan Golayaashii aan qaybta ka ahaa ee u istaagay dhamaystirka iskuulkan muhiimka u ah Bulshada.

Waxaan kaloo ugu bishaaraynayaa Bulshada in aan ku jirno diyaarinta Mashruucyo kale oo muhiim u ah Dalka iyo Dadka.

Idil Keenadiid.