Video:-Cumar Cabdirashiid”Dawladaydii heshiis maxaabiis is waydaarsiya lama galin dawlada Itoobiya”

Sharmaare oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in heshiiska ay golaha wasiirrada xukuumadda Kheyre ay u cuskadeen dhiibistii Cabdikarin Muuse Qalbi-dhagax uu kaliya ahaa heshiis dhexmaray Dowladda deeggaanka Soomaalida Ethiopia iyo maamulka Galmudug oo xuduudda labada dal colaadi ku dhexmartay.

Xildhibaan Cumar ayaa ku tilmaamey in heshiisyadaasi la xiriireen dad is laayey ee Dowladda Federaalku aysan shuqul ku lahayn.

” Haddii labo dal heshiis galayaan waxaa gala Madaxweynaha, Raysalwasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, wax aan gole Wasiiro looga doodin, Madaxweynuha saxiixin, Baarlamaanka la horkeenin wax sharciyad uu ka fadhiyo lama arko ”ayuu yiri Sharmaarke

Dhiibtaainkii Cabdikariin Qalbi-dhagax ayuu ku tilmaamey in ay khalad ahayd, isdoo kale ONLF ayuu sheegay in aysan jirin meel caalamka looga aqoonsan yahay argagixiso in ay yihiin aan ka ahayn Itoobiya.

“Khalad weyn ayay aheyd dhiibistii Cabdikariin Qalbi-dhagax oo ah muwaadin Soomaali ah in loo gacan geliyo Itoobiya, ONLF meel kale adduunka ay sharci darro ka yihiin ma jirto, Mareykanka ayay shaqeeyaan iyo meelo kale”ayuu yiri Sharmaarke,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka