Baaq Ku Wajahan MW DFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)WQ.Abdihakin H.Hersi

  1. Mudane MW doorashadii lagugu doortay waxay ahayd mid salka ku haysay kacdoon ka yimid shacabka Soomaaliyeed oo ku nool wadanka gudihiisa iyo banaankiisaba.

 

  1. Kacdoonkaas shacabku wuxu ahaa mid ka dhashay faragalinta fooshaxun ee ay labada dal ee dariska nala ah wadankeena ku hayeen, oo markii ay soo dhawaatay doorashadii MW DFS ay iyagu looltan uugu jireen shakhsiga soo bixi doona.

 

  1. Shacabku waxay raadinayeen shakhsi nadiif ah, hufan, kana madax banaan xoogaga shisheeye oo faragalinta gurracan ku hayay  siyaasadda iyo amuuraha Soomaaliya. Shaki kuma jiro mudadii yarayd ee ad RW kasoo noqotay dawladihii hore ee KMG ahaa inaad ku kasbatay sumcad wanaagsan shacbiga dhexdiisa.

 

  1. Waxgaradka iyo shacabka badidiisba kama qarsoona dhibaatooyinka baaxada wayn ee wadanka ka jira, xag amni, siyaasad, iyo xag dhaqaaleba.  Waxaa ka sii daran shacbigii shalay isku duubnaa oo ul iyo diirkeed ahaa markii xorriyadda loo dagaalamayey oo maanta kala amaan baxay, kala qoqoban, kalana irdhoobay, dabadeed markii ay iyagu hoosta xabadda iskugu dusiyeen.

 

  1. Shacbiga iyo wakiiladoodu markay ku doorteen waxay kuu doorteen inaad afarta (4) sano ee soo socota  wadanka u jihayso jidka toosan, wax weynba yaan la qabane. Haddii ad nasiib u yeelato inaad xukunka sii hayso afar(4) sanoo kale ama ay cid kale kaala wareegto in jidkaas toosan la sii hayo, oo ay noqoto ratiba ratiga ka horeeyuu saan qaadkiisa leeyahay.

 

  1. Mudane Madaxweyne, dhiibista ay dawladaadu ku dhiibtay muwaadinka Soomaaliyeed, Cabdikariim Sheikh Muuse, oo ay uugu dhiibtay Itoobiya, ugu yaraan waa mid aanaan kaa filanayn, marka la tix raaco sifooyinka lagugu doortay. Markii si kale loo eegana, waa mid meel ka dhac weyn ku ah madaxbanaanida iyo qaranimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Cabdikariim ma aha oo kaliya muwaadin Soomaliya, balse wuxuu ka mid ahaa ciidankii qaranka Soomaaliyeed, oo wuxuu naftiisa u huray difaaca calanka iyo ciida Soomaaliyeed.

 

  1. Maxaadse ku diidin, mudane Madaxweyne, in la is waydiiyo Soomaaliya ma waxay noqotay kilinkii 6aad ee dalka Itoobiya markii la arkay sida wax u dheceen, oo cabdikariim lagu qabtay Galkacyo, dabadeed markii dawladda dhexe soo codsatay loo soo gudbiyey Xamar, dabadeed markii dawladda Itoobiya soo codsatay loo gudbiyey Itoobiya isaga oo ay galbinayeen qaar ka mida madaxda sare ee dawladda dhexe.

 

  1. Mudane Madaxweyne, haddii ay jirto, sida ku cad qodoka 2aad ee go’aamadii golaha wasiirada in Cabdikariim “…uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha arga-gixisada ee Al-Shabaab,” ma wayna ahayn wadanka gudihiisa in lagu maxkamadeeyo, ku guto wadanka dhexdiisa wixii ciqaab ah oo lagu xakumo?Teeda kale dabcan Cabdikariim waa muwaadin Somaali ah oo an sinaba u mudnayn in wadan kale loo gacan geliyo. Balse xitaa hadii uu ahaan lahaa shakhsi ajaanib ah, marke hore waxa weeye in nidaamka kore la marsiiyo, dabadeedna markuu ciqaabtiisa ku dhamaysto gudaha Soomaaliya, la fiiriyo shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee danbileyaasha la isku gudbiyo.

 

  1. Mudane Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa inaan muwaadin danbe oo Soomaali ah wadan kale loo gacan gelin. Waxaan kaloo kaa codsanaynaa inaadan adiga iyo dawladda ad madaxa ka tahay is hortaagin in arrintaan ay soo dhex galaan goleyaasha kale ee Xeer Dejinta iyo Garsoorka.

 

Rabbow Tubta Toosan. Aaminn

Abdihakim H. Hersi

dhagaseynblog.wordpress.com