Myanmar oo ku gacan-sayrtay xabbad joojintii jabhadda Rohingya

Myanmar ayaa qaaddacday xabbad joojin bil ah oo ay ku dhawaaqeen jabhadda Rohingya ee gobolka Rakhine.

Kooxda Rohingya ayaa ku dhawaaqay maanta xabad joojinta, iyagoo ugu baaqay ciidamada Myanmar inay sidoo kale hubka dhigaan.

Balse afhayeen dowladda u hadlay oo lagu magacaabo Zaw Htay ayaa sheegay in Myanmar aysan la xaajoon doonin “argagagixisada”.

Ilaa 294,000 ka tirsan qowmiyadda Muslimiinta Rohingya ayaa u qaxay Bangladesh tan iyo intii qalalaasaha ay ka bilowdeen gobolka Rakhine bishii la soo dhaafay.

Jabhadda ayaa weerar ku ekeysay dhowr xarumo booliis 25-kii August, iyagoo dilay 12 qof. Arrintaas ayaa sababtay in milatarigu ay ugaarsadaan qowmiyadda.

Muslimiinta Rohingya- oo ku nool dalka ay ku badan yihiin dadka haysta diinta Buddhism-ka ayaa sheegaya in milatariga iyo dadkuba ay u geysanayaan tacaddiyo xooggan, iyagoo gubaya xaafadahooda.

Myanmar ayaa beenisay arrintan, iyadoo sheegtay in milatarigu uu la dagaallamayo “argagixisada” Rohingya.

Jabhadda Rohingya ayaa xabbad joojinta uga dhawaaqday boggeeda Twitter si ay hay`adaha gargaarka ugu suurto gasho inay u gurmadaan dadka ku dhibaateysan gobolka Rakhine.