Video:-Aqalka-sare ee Baarlamaanka Fadaraalka oo Beri go’aan ka gaaraya dhiibista Qalbidhagax

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalinta berri ka doodi doona arrinta ku saabsan C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), kaasoo 6-dii bishan Xukuumadda ka soo saartay go’aan, kaddib markii bishii hore loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.

Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Joogtada Aqalka sare ayaa lagu go’aamiyay in Goluhu uu go’aan ka soo saaro arrintan cakiran ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay u taallo go’aan ka gaarideeda.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Goluhu uu go’aan ka soo saari doono sax iyo qalad wuxuu yahay go’aankii Xukuumadda.

“Ajandahaha Guddiga joogtada uu ka hadlay waxa weeye ka doodista go’aankii Xukuumadda ay gaartay ee ku saabsanaa u gudbinta C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ee Itoobiya loo gudbiyay iyo Xukuumadda go’aanka ay ka soo saartay weeye, kaas aan rabno inaan Aqalka geyno, waxaana ka soo saari doonaa go’aan sax iyo qalad wuxuu yahay go’aankaas xukuumadda ay gaartay”ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi oo la hadlayay Wariyeyaasha markii uu soo dhamaaday kulanka Guddiga joogtada,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka