Video:-Laamaha amaanka Puntland oo qabtay Xashiish loo waday Bosaso

Laamaha amniga iyo maamulka gobolka Bari ayaa maanta warbaahinta usoo bandhigay Maandooriye lagu qabtay Kantaroolka magaalada Bosaso, kaasoo la sheegay inuu dhibaato weyn ku hayo bulshada iyo nabad-gelyada.

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Raggii waday Maandooriyahan oo la sheegay inuu dhan yahay 2 Kiilo iyo shakhsiyaadkii loo waday.

Guddoomiyaha  Bari iyo Taliyaha qaybta Booliiska ayaa goob joog ka ahaa madal lagusoo bandhigay Mukhaadaraadkan.

Taliyaha qeybta Booliska gobalkaas, Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo ka hadlayay howlgalka lagu qabtay Maandooriyaha ayaa sheegay inay dab qabadsiin doonaan islamarkaana raggan lagu qabtay loo gudbin doono maxkamad,hoos ak daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka