Video:-Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qarax uu qof ismiidaamiyey ka gaystay maqaayad laga cabbo shaaha oo ku taalla meel u dhow xarunta maamulka Gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne. Booliiska ayaa sheegay in dadka weerarka soo qaaday aysan gaadhin ujeedadii ay lahaayeen oo ahayd inay khasaare intaasi ka badan ka gaystaan goobta.

Dhinaca kalena booliiska Gobolka Hiiraann ayaa sheegay in baaritaan uu socdo kaasi oo ay wadaan ciidamada amniga ku saabsan meeshii laga soo abaabulay qaraxaasi,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka