Video:-Safiirka Uk Ee Somaliya oo maanta booqasho ku gaaray magaalada kismaayo

Magaalada Kismaayo Ee xarunta Kmg ah Jubaland,waxaa booqasho ku yimid safiiirka UK ee Somaliya David Concar.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa safiirka kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo halkaas oo ay kulan kooban ku yeesheen.
 
Madaxweynaha iyo safiirka ayaa kulankooda kusoo qaaday xiriirka Uk iyo Jubaland,sidoo kale arimaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah mashaariicda UK ay horay uga fulisay Jubaland iyo sidii kuwa cusub looga hirgalin lahaa Jubaland.
 
Kulanka madaxweyne Axmed Madoobe iyo safiirka Uk kadib waxay si wadajir ah u dhagax dhigeen xarun loo dhisayo ciidanka sirdoonka Jubaland,taasoo Dawlada UK ay maalgelinayso,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka