Muqtaar Rooboow oo maanta tagaya magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maanta ku wajahan Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay uga mid ahaa Hoggaamiyaasha Al-Shabaab balse sheegay in uu isaga baxay maalmahaana ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Muqtar rooboow ayaa deegaanka Abal ee Gobolka Bakool waxa uu mudo dhowr Maalmood ah ciidamo uu watay ay kula dagaalameen Al-Shabaab kadib markii ay weerar ku soo qaadeen.

Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed ayaa shalay gaaray Magaalada Baydhabo waxaana haatan Baydhabo ka socda Xaflad loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta Muqtaar rooboow oo la filayo n uu halkaas gaaro Maanta.

Aadan Cali Aadan gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee amniga iyo Siyaasada Magaalada Baydhabo ayaa xaqiijiyay in Muqtaar Roobow Saacadaha soo socda tegayo Magaalada Baydhabo.