Qarax xoog leh oo khasaare dhaliyay ayaa goor dhawayd ka dhacay muqdisho

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan uu ka dhacay Afaafka hore ee Hotel Wehliye oo kuyaala Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, qaraxan ayaana loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
 
Qaraxa ayaa ka dhacay Laamiga dhinaciisa gaar ahaan goobo ay ku yaaleen xarumo ganacsi iyo meelo shaaha laga cabo, waxaana qaraxa loo adeegsaday gaari nuuciisu yahay Harrier oo la dhigay laamiga dhinaciisa.
 
 
Gaadiidka Aplaasta ayaa goobta soo gaaray kuwaa oo qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxan , waxaa sidoo kale halka uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamo iyo saraakiil katirsan laamaha amaanka kuwaa oo xiray laamiga.
 
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay hal qof oo shacab ah, waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacma shan qof oo kale kuwaa oo loola carara xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
 
Qaraxan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho ayaan wali cadeyn bartilmaameedkiisa rasmiga ah, halka uu qaraxu ka dhacay ayaana ku oolin goobo loo maleyn karo in bartilmaameed yihiin, waxaana aagaasi inta badan jooga dad shacab ah.