Video:-Alshabaab oo sheegtay in Beledxaawo ay gacanta ku dhigeen

Dagaal culus ayaa aroortii hore ee Isniinta ka qarxay magaalada Beled Xaawo, siday sheegeen goobjoogayaal ay BBC-da la xiriirtay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab oo adeesanaya baabuur walxaxa qarxa laga soo buuxiyay ay ku soo qaadeen weerar saldhig militeri oo ku yaalla bariga magaalada.

Qaraxa kaddibna waxaa magaalada ka billawday dagaal culus oo ku fiday bartamaha magaalada.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay gebi ahaanba la wareegeen magaalada.

Balse warkaas si madaxbannaan looma xaqiijin karo.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaalku uu u jihaystay dhanka magaalada Mandheera ee ay xadka leeyiihin.

Taliyaha booliiska Mandheera, Frederick Shisia ayaa xaqiijiyay in booliiska Kenya iyo Al-shabaab ay rasaas is waydaarsanayaan.

Maammulka Jubbaland weli kama uusan hadlimn dagaalka Beled Xaawo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka