Kooxo Bustoolado ku habaysnaa oo xalay dil ka gaystay magaalada Gaalkacyo

Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada Gaalkacyo waxa ay ku dileen Wiil dhalinyaro ahaa.
 
Sida ay sheegeen dadka deegaanka Wiilka la dilay ayaa fadhiyey agagaarka hotelka Kulmiye ee magaalada Gaalkacyo, waxaana rasaas ku furay rag bustoolado ku hubeysnaa.
 
Marxuumka la dilay ayaa isla goobtaas ku qur baxay, iyadoo kooxihii dilka gaystay isla markiiba goobta ka baxsadeen.
 
Lama oga weli sababta iyo cida ka dambeysay dilka wiilkan oo ka mid ahaa dhalinyarada caanka ku ah ciyaaraha ee magaalada Gaalkacyo.