Video:-Xisbiga Cunsuriga ah ee Norway oo markale dib loo doortay

Guushan ayaa ka dhigan in xisbigaasi iyo kuwa kale ee uu kaashado ay heleen fursad ah afar sano oo hor leh.
 
Xalay saqdii dhexe oo ay wali socotay tirinta codadka ayay caddaatay in xisbiga Høyre uu ku horreeyo dhanka codadka, waxaana marba mararka ka dambeysay sii kordhayay ifafaalaha guusha xisbigaasi iyo hogaamiyihiisa Erna Silberg.
 
Labada xisbi ee loolanka adagi dhex marayay ee Høyre iyo Arbeiderpartiet ayaa kala helay codad isku dhow oo kala ah 79 iyo 89, waxaana u dhexeeyay farqi ah 10 buundo oo uu xisbiga Høyre ku horreeyay.
 
Hoggaamiyaha xisbiga Høyre oo aad u faraxsaneyd ayaa warbaahinta la hadashay guusha kadib, waxaana ay sheegtay in codbixiyayaashu siiyeen fursad ah afar sano oo hor leh.
 
Waxa ay ku tilmaantay guushan mid ay codbixiyayaashu kaga jawaabayeen ka dhabeynta ballanqaadyadii aan u sameynay kal hore markii ay doorteen.
 
Erna ayaa intaasi raacisay in ay soo laba jibaari doonaan u adeegidda bulshada ay sare u qaadi doonaan dhaqaalaha, waxna ka qabanayaan dhanka shaqo aburka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka