Video:-Somalida iyo Oromada Itoobiya oo isku dhac dhexmaray

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay in ka badan 600 oo qof oo kalena waa ay ku barakaceen rabshado cusub oo ka billowday Bariga Itoobiya.

Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen rabsahdo shalay ka dhacay magaalooyinka ku yaalla Bariga Itoobiya.

Tiro kale oo dad ah ayaa ku dhaawacay rabshadahaasi, halka dhismooyin dowladdu leedahay iyo gawaari la burburiyay inta ay rabshaduhu socdeen.

Dowladda Itoobiya ayaa isku dhacyadaasi ku micneysay muran ka dhashay xadka u dhaxeeya Oromada iyo gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa ku eedeyneysa cutub gaar ah oo ka tirsan booliiska Ismaamulka Soomaalida ee ay deriska yihiin inay geystaan dilal iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda bini`aadamka.

Isku dhacyadan ayaa soo jiitamayay muddo bilooyin ah balse waxay soo xoogeysteen toddobaadkan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegeysa in odayaal dhaqameedyada labada dhinac ay kala kaashaneyso xallinta khilaafaadka u dhaxeeya,ciidamada milatariga ka tirsan ay haatan ilaalinaya waddooyinka magaalada ay isku dhacyadu saameeyeen.

Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa ka qaadday gobolka Oromada bandow 10 bilood saarnaa, kaddib in ka badan labo sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaasi,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka