Video:-Qaadkii Awaday oo la joojiyay iyo Oromo lagu dilay Hargaysa

Ugu yaraan 32 qof oo Soomaali ah ayaa habeen hore lagu dilay deegaanka Hawadaay ee bariga dalka Ethiopia.

Dilalkan ayaa daba socda rabshado u dhexeeyay maalmihii la soo dhaafay dadka Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Hadaba dadkaasi la laayay oo u badnaa dad ganacsato ah ayaa waxaa dilkoodu uu saameeyay Somaliland oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo ka soo jeeda gobolka Oromada ee Ethiopia, waxaana galbeedka Hargeisa lagu dilay nin u dhashay Qowmiyadda Oromada ee Ethiopia.

 

.Dhanka kale waxaa la baajiyay maalinkii koowaad Qaadkii ka imaan jiray Dalka Itoobiya ee soo gali jiray Gudaha deegaamada Somaliland,ganacasatada Qaadka ka ganacsata ee ka keeni jiray itoobiya oo ka caraysan laynta dadka u badnaa Ganacsatada Qaadka ee lagu laayay Deegaanka Aawady ee uu ka baxo Qaadka loo yaqaan Awaday,ayaa u wareegay in ay Qaadka ka keenaan Dalka Kenya waxaana maanta soo gaaray Hargaysa Diyaarad sida Qaad Miro ah oo ka keentay Dalka kenya,,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka