Dhagayso:-Miyuu fashilmay qorshihii la dagaalanka Alshabaab ee Puntland?

DawladaPuntland ayaa horey ugu adkaysatay in ay ku jirto dagaal adag, ciidankooduna ay ku filan yihiin inay iska difaacaan isla markaana ka saaraan Al-Shabaab buuralayda Galgala.
 
Dadka Falanqeeya arimaha amaanka Puntland ayaa tilmaamay in qorshihii Puntland ee la dagaalanka Alshabaab uusan waxba iska badalin,balse waxa kaliya ee jira ay tahay Alshabaab oo kusoo batay Deegaamadaas iskuna urursanaya Buuraha Galgala kadib culays kasoo food saaray weerarada Ciidamada Dawlada Fadaraalka iyo kuwa Maraykanka ee Koonfurta Dalka.
 
Madaxii hore ee sirdoonka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay caqabado waaweyn ka haystaan la dagalanka Al-Shabaab.
 
Cabdi Xasan Xuseen “Cabdi Yare” ayaa sheegay in hoggaan-xumo, khibrad la’aan madaxda ciidanka heysata iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga oo aan adkayn ay ka faa’iidaysteen mnaleeshiyada ururka Al-Shabab. Taasina ay horseedday weerarradii cuslaa ee lagu qaaday saldhigga Af-Urur.
 
Hadalka Cabdi yare ayaan mudnaan gaar ah lasiin karin maadaama uusan awood uyeelan in uu kala saaro xaqiiqda jirta iyo mucaaradnimadiisa maamulka hada talada haya oo khilaaf xoog leh dhexmaray xiligii xilka qaadista lagu sameeyay,
 
Isku soo wada duuboo Barnaamij arintaas lagu falanqaynayo ayaa waxaa diyaariyay wariye Harun macruuf oo ka tirsan Laanta Afka Somaliga ee VOA,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan.
Halkan ka dhagayso codka