Qarax ka dhacay Tareemada dhulka hoostooda mara ee london

Qarax ayaa lala beegsaday tareen ka mid ah kuwa London ee dhulka hoostiisa mara, waxaana lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah rakaabka tareenkaasi ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa dhacay 08:20 xilliga London, waxaana booliska iyo howlwadeennada caafimaadka ay gaareen goobta uu ka dhacay oo ah boosteejada Parsons Green ee Fulham.

Sawirro laga soo qaaday tareenka ayaa muujinaya in xajmiga qaraxa uu koobnaa, oo aanu geysan burbur muuqda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dhowr qof oo dhaawacya qaba.

Booliska la dagaallanka argagixisada ayaa sheegay inay qaraxa ula tacaalayaan inuu yahay “fal argagixiso.”

Askar hubaysan ayaa la geeyay goobta uu qaraxa ka dhacay.