Sawiro:-Madaxweyne Axmed Madoobe oo booqday Xeradii Al-Shabaab ay ku weerareen Ciidanka Jubbaland ee Beled-Xaawo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray Magaalada Beled-Xaawo ee gobalka Gado isagoo booqday Xero Ciidan oo ay Ciidamada Darawiishta ku leeyahiin duleedka Magaalada halkaas oo dhawaan ay weerar ku qaadeen Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Sarakiil sare oo katirsan Jubbaladn iyo xubno labada gole ka socda waxaa ay soo kormeereen xerada oo ay hada si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada Jubbaland iyadoo Madaxweynahu uu Khudbad u jeediyay Askarta Dowlada.

Madaxweynahu wuxuu ku amaanay sida ay dhabar adeega u muujiyeen Ciidamada qalabka sida oo maalmo kahor iska caabiyay weerar ay ku qaadeen kooxda Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in ay Jubbaland la qeybsaneyso Khasaarihii ka soo gaaray weerarkii Shabaab, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Ciidanka in ay Cashar ka qaataan weerarkii Shabaab Feejignaan dheerad ahna ay galaan.

Xerada uu maanta booqday Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa weerar culus ku qaaday Al-Shabaab Maalmo ka hor weerarkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac badan ka soo gaartay Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.