Video:-Carwada Buugaagta muqdisho oo lasoo gabagabeeyay

Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa maanta soo xirey Bandhigga Buugaagta oo muddo sedex maalmood ah ka soconayay magaalada Muqdisho.

 Guddoomiye Jawaari ayaa bogaadiyay dhamaan dadkii ka qeybqaatay soo bandhigista buugaagtan oo ay ahaayeen aqoonyahano Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradu ay ujeheeyaan bulshada dhanka horumarka,Caalamkana la tuso halka ay Soomaaliya hiigsanayso.

Sidoo kale waxaa maanta ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guudleed oo dhankiisa bogaadiyay dowrka aqoonyahanada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada.

Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho oo ay ku qornaayeen luuqado kala duwan, ayaa waxaa fursad u heley dad badan in ay iibsadaan buugaag ay ku qoranyihiin macluumaadyo kala duwan oo muhiim u ah.

Agaasimaha New Horizon Maxamed Diini oo ururkiisu uu soo qaban qaabiyey Bandhig Carweedkan ayaa sheegay in sanadkaan oo wax badan kaga badalan yahay bandhigyadii horey ay u soo sameeyeen.

Bandhigayada noocaan ah oo kale ah ayaa door wanaagsan ka qaadan kara in dadku ay ku baraarugaan ahmiyadda wax qorista iyo wa akhrista.

Sanadkii 3-aad ayaa Muqdisho lagu qabtay Bandhig Carweedka Buugaagta, waxaana qoraayaal Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh carwada ay ku soo bandhigeen buugaag ay ka qoreen mowduucyo kala duwan oo si gaar ah xooga u saarayey arimaha bulshada iyo ahmiyadda afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed,hoos ka daawo muuqalka Carwada.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka