Video:-Ciidanka Difaaca Puntland oo gaarsiiyay mashruucoodii dhiraynta Gobolka Karkaar

Ciidamada Xoogga Puntland ee PSF ayaa ka bilaabay magaalada Qardho wajigii labaad ee lagu dhiraynayo Waddooyinka magaalada .

Ciidamada ayaa isu xil-saaray iney dhireeyaan magaalooyinka Puntland ,kaasoo uu hormuud u yahay Agaasimaha guud ee PSF Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi(Diyaano).

Maamulka gobolka,kan degmada Qardho,saraakiisha ciidamada xoogga Puntland iyo kuwa gobolka Karkaar ayaa ka qeybgalay wajiga labaad ee lagu dhiraynayo magaalada Qardho.

Col. Bashiir Bicir Faarax Guutaale oo loo xil-saaray Kormeerka iyo habsami u socodka shaqada dhiraynta degmada Qardho ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Puntland ka go’an tahay difaaca iyo dalka horumarkiisa.

Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere ayaa u mahadceliyey Madaxda iyo Saraakiisha ciidamada Xoogga Puntland dhiraynta ay ka wadaan magaalada Qardho.

Guddoomiye Kuxigeenka gobolka Karkaar Warsame Macalin Cabdi ayaa sheegay in muuqaal ahaan Qardho shalay iyo maanta kala duwan tahay,wuxuuna u mahadceliyey Agaasimaha guud ee Ciidamada PSF ee ku howlan qurxinta magaalada.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga Puntland ee PSF ayaa waday mashaariicyo horumarineed oo iskaa wax u qabso ah kana mid yihiin dhireynta iyo caawinta dadka danyarta ah.

Dhirayntan ayaa qeyb ka ah mashaariicyo kale oo laga sameeyey magaalooyinka Gaalkacyo,Garoowe iyo Boosaaso,waxayna ballan qaadeen in kuwa kalena la bilaabi doono.

Waaxda Warbaahinta

Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka