Dawlada Fadaraalka itoobiya oo ka hadashay colaada Oromada iyo Somalida

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Xabsiga la dhigay 200 Qof oo Oromo ah kaddib markii lagu helay sida ay dowladda sheegtay in ay ka dambeeyeen dilka 43 Qof oo Soomaali ah.

Koox Oromo hubeysan ah ayaa degaanka Hawadaay ee Dalka Itoobiya ku dilay 43 Soomaali Ganacsato ahaa waxaana xilligaas wixii ka dambeeyay billowday colaad soo kala dhexgashay Oromada iyo Soomaalida.

Wasiirka Warfaafinta dalka Itoobiya Negeri Lencho ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Adis ababa waxaa uu ka sheegay in dowladda dhexe ay Ciidamo milatari iyo Boolis ah u dirtay Gobolka iyaga oo xir xiray dad badan oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen leynta loo geystay Soomaalida Gnacsatada ahayd.

Lencho waxaa uu sheegay in Ciidamada difaaca Itoobiya iyo Booliska Federaalka ay hadda la shaqeynayaan Ciidamada labada Maamul ee Soomaalida iyo oromada,waxaana uu intaas ku daray in ay socdaan dadaallo xal looga gaarayo colaadda soo cusboonaatay.