Madaxweyne Farmaajo oo Hanbalyo udiray Madaxweyne cusub ee Hir-shabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Awaare.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu bogaadiyeya hannaankii ay u qabsoontay doorashada Hirshabelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka.

Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada Hirshabelle in ay ka wada shaqeeyaan taaba-galinta iyo hana-qaadka Maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.

““Waxaan Alle uga baryaayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dar-dargalinta dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystirka dhismaha maamulka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhamaystirka nidaamka faderaal, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dalka.

DHAMMAAD